Meydad Caawa Yaalla Caabud Waaq,Dagaal Culus Oo Dhacay & Wararkii Ugu Dambeeyey

Dagaal geystay Khasaaro iskugu jira Dhimasho iyo Dhaawac ayaa casir Liiqii galabta waxa uu ka dhacay Magaalada Caabud waaq Ee Gobolka Gal gaduud.

Waxa uu ahaa mid maleeshiyaad Hubeysan ay Aano Qabiil ugu dagaalameen Gudaha Magaaladaasi iyadoo dilka uu ka bilowday Nin la dilay.

Mid kasta Qabiilada dagaalamay waxa uu sheegayaa in lagu soo duulay ayna tallaabadii ugu mudneyn ay sameeyeen.

Ilaa 5 Qof ayaa dhintay waxaana dhaawaca uu ka badan yahay 10 Qof taas oo welina Xaaladu ay Kacsan tahay dhaq dhaqaaq dagaalna la dareemayo.

Meydad ayaa yaalla Caawa oo berri ayaa la aasi doonaa sida qorshaha uu yahay mana jirto cid ka hadashay dagaalkaasi oo mas’uul xil haya.

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS