DEG DEG AH:Doorashadii Oo Bilaabatay+Amaro Culus Oo Xildhibaanada Lagu Soo Rogay

Waxaa daqiiqado ka hor ka bilaabatay Xarunta Baarlamaanka Doorashada loogu jiro Xilka Afhayeenka Cusub Ee Soomaaliya,iyadoo Xildhibaanada badankood ay xaadireen.

Sanaadiiqda Codadka lagu dhiibanayo ayaa la hubiyey inay faaruq yihiin waxaana saxiixay warqada Xildhibaano gaaraya 256 Mudane sida ay sheegeen Gudiga Doorashadaasi qaabilsan.

Shakhsigii ugu horeeyey Ee Codkiisa dhiibta ayaa waxa uu noqday Gudoomiyaha Kumeel gaarka Baarlamaanka Cusmaan Cilmi Boqore,iyadoo qofkii  labaad uu yahay Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ah Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Baarlamaanka.

Xildhibaanada Codkooda dhiibanaya Ee Hoolka kusugan ayaa waxa laga mamnuucay Moobiladooda gacanta inay la galaan Xarunta ay codkooda kusoo dhiiban doonaan.

Wararkii ugu dambeeyey Ee Doorashada meesha ay ka dhaceyso waxa la sheegay in Amnigeeda Aad loo adkeeyey,iyadoo saxmad iyo buuq Hoolka laga dareemayo.

Nagala soo xiriir - jlandnews@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada

( 0)



ADS